Qorshayaasha sirta ah ee militariga Mareykanka oo lagu baahiyey internet-ka

24 March, 2025

Maamulka Trump ayaa si lama filaan ah ugu daray wariye koox wada sheekaysiga Signal-ka ah oo ka hadlayay weerarrada milatari ee soo socda.

Aqalka Cad ayaa Isniintii xaqiijiyay in saraakiisha ugu sarreysa maamulka Trump ay si aan ku talagal ahayn ugu soo dareen wariye shabakad ay ku wada sheekeysanayeen saraakiisha oo lagu baahiyey qorshaha ciidamada Mareykanka.

Kooxdan ku sheekeesanayey app-ka fariinta Signal-ka iyagoo ka hadlayey weerarrada milatari ee soo socda ayaa lagu soo waramayaa in ay ku jiraan dhowr xubnood oo ka tirsan golaha wasiirada ee madaxweyne Donald Trump, oo uu ku jiro madaxweyne ku xigeenka JD Vance iyo Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth.

Tifaftiraha jariirada The Atlantic, Jeffrey Goldberg, ayaa Isniintii daabacay sheeko uu ku sheegay in uu markii hore u maleeyay in aanay run noqon karin.

“Shaki aad u weyn ayaan ka qabay in kooxdan qoraalkooda uu dhab yahay, sababtoo ah waa rumaysan kari waayay in hoggaanka amniga qaranka ee Maraykanku uu Signal ku baahin doono qorshooyinka dagaalka ee soo socda,” ayuu qoray.

Goldberg ayaa ku jiray wada sheekaysiga kooxda halkaas oo lagaga hadlay qorshaha duqeymaha cirka ah ee ka dhanka ah xuutiyiinta Yemen.

15-kii bishii Maarso, Mareykanka waxa uu beegsaday goobo ay xuutiyiinta Yemen ku sugnaayeen.

Isniintii, afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Brian Hughes ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP, “Xogta la soo sheegay waxay u muuqataa mid sax ah, waxaanan dib u eegis ku samaynaynaa sida lambar aan ku talagal ahayn loogu daray shabakadaas lagu sheekaysto.”