Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa magalada Garoowe ka daahfuray furay Shirweynaha wadatashiga Qurbajoogta…

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa magalada Garoowe ka daahfuray furay Shirweynaha wadatashiga Qurbajoogta Puntland.
Shirkan oo socon doona mudo laba casho ah ayna soo qaban qaabisay Wasaarada Qorshaynta,horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa looga hadlayaa dejinta Siyaasada Qurba joogta Puntland oo laf dhabar u ah isku xirnaanta iyo wadashaqaynta dowladda iyo Qurba joogta iyada oo latashiyo lala samaynayo Qurbe joogta dalka ku sugan.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Qurba joogta Puntland uga mahadceliyey kaalinta dhaxal galka ah ee ay ka qaateen Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ee Hilaac, isaga oo ku dhiirigeliyey inay dalkooda maal gashtaan.



