Laamaha ammaanka gobolka Nugaal ayaa ku guulaystey inay gacanta ku soo dhigaan rag ku eedaysan dil…

Laamaha ammaanka gobolka Nugaal ayaa ku guulaystey inay gacanta ku soo dhigaan rag ku eedaysan dil habeenimadii Sabtida ee 4 May ka dhacay mid kamid ah xarumaha ganacsiga ee Magaalada Garoowe.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir (Qaanqaan) oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Garoowe ayaa shaaciyey in ciidanka ammaanku ay qabteen gacan ku dhiiglihii dilkaasi geystey lana aasay labadii marxuum ee lagu diley afaafta hore ee hotelka Madiina ee magaalada Garoowe.
“Falkii dhacay laba nin ayaa ku geeriyootey, Allena waa noo fududeeyey inaan soo qabano gacan kudhiiglihii, labadii ninna waa la aasay, Allena haka samirsiiyo ehelkooda” Ayuu yiri Guddoomiye Cabdiraxmaan Xaaji Abshir.
Dhanka kalena, guddoomiyaha ayaa sheegay in la kordhin doono baraha kantaroolada ee laga soo galo magaalada Garoowe, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, “Guddiga nabadgelyadu waxay isla garteen magaalada waddooyinka soo gala dhammaan in la xaqiijiyo ammaankooda lana kordhiyo baraha kantaroolada ee yaalla”.



