Ra’iisal Wasaare Xamse oo sheegay inuu jiro maamul ka daran Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Somalia Xamse Cabdi Barre, ayaa si kulul u dhaliilay xooggan…

29 June, 2026

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Somalia Xamse Cabdi Barre, ayaa si kulul u dhaliilay xooggan u jeediyey Maamulada dalka ee sida ka soo horjeeda hoggaanka DFS oo uu ku eedeeyay inay wadaan siyaasad kala qaybin, cuqdad iyo inay dano shisheeye u adeegayaan.

Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in maamulkaasi uu Dowladda Federaalka ku eedeeyo faragelin, isagoo isweydiiyay sababta shaqaaleysiinta muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu tilmaamayo faragelin.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu intaas ku daray in siyaasiyiinta qaarkood ay kursi raadis dartii uga hormariyeen danta qaranka, isagoo xusay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo mideynta shacabka iyo xoojinta hay’adaha dowladda, halkii la abuuri lahaa khilaaf siyaasadeed oo sii kala fogeeya dhinacyada.

“Waxa jira kuwo aamusan oo ka daran Somaliland, waa kuwo kala go’ ka xun oo cuqdadaysan oo shisheeyeysan oo xumaan ka buuxdo oo dalkan ku dhex jira oo leh dowladdaa faragelin wadda, goorma ayey in aan dadkeena shaqaalaysiino ay noqotay faragelin? Waa siyaasi kursi madax-maray”, Ayuu yiri RW Xamse.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka ayaa muujisay isbeddel muuqda oo ku yimid hadalladeeda ku aaddan Somaliland, iyadoo Ra’iisul Wasaare Xamse Barre uu ku baaqay in la bilaabo wada-hadal toos ah oo dhexmara labada dhinac.

“Walaalahayo Woqooyi idinka kama maaranno, haddaan xun nahay xataa noo dulqaata, jidhkaaga qayb xun waa uun jidhkaaga. Aan wada-hadalno, xataa uma baahnin cid kale in ay na dhex gasho, maadaama Af-Soomaali aynu ku wada-hadaleyno”, Ayuu yiri RW Xamse Cabdi Barre.