Ra’iise Xamse oo Furay Shir go’aan looga gaarayo Hab Maamulka Internetka.

2 days ago

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka ee Soomaaliya, isagoo carabka…

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka ee Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda in shirkan ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah oo lagu horumarinayo nidaamka iyo maamulka Internet-ka ee dalka. Wuxuu xusay in Soomaaliya looga baahan yahay inay la jaanqaaddo dalalka kale ee hore u dejiyey sharciyo cad oo ku saabsan isticmaalka Internet-ka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in dalalka dunida ay nidaamiyeen isticmaalka Internet-ka, isla markaana qofkii ku xadgudba uu wajahayo ciqaab sharci ah, halka Soomaaliya ay wali ka jirto isticmaal aan nidaamsanayn. Wuxuu ku baaqay in wax laga beddelo habka loo adeegsado Internet-ka, si loo sugo anshaxa iyo mas’uuliyadda dhijitaalka ah.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale ku booriyey shacabka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay inay dhowraan midnimada qaranka, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan horumarinta dalka. Wuxuu xusay in danta guud laga hormariyo midda shakhsiga, si loo gaaro horumar waara oo ka tarjumaya danaha bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shirkadaha Internet-ka inay bulshada si siman ugu adeegaan, ayna ka fogaadaan tartanka aan faa’iido u lahayn dalka. Wuxuu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay nidaam caddaalad ah oo dhammaan shirkaduhu ku mideysan yihiin, taas oo kor u qaadaysa kalsoonida iyo horumarka adeegyada dhijitaalka ah.

Ugu dambeyn, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay dhisidda sharciyo iyo hannaan casri ah oo lagu maamulo Internet-ka. Wuxuu xusay in dadaalladaasi lagu xaqiijinayo amniga dhijitaalka ah, ilaalinta xuquuqda isticmaalayaasha, iyo horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah ee Soomaaliya.