Isbaheysiga talada haya ee Shigeru Ishiba ayaa dib u dhac taariikhi ah kala kulmay doorashooyinkii qaranka bishii Luulyo.

Raiisel wasaaraha Japan Shigeru Ishiba ayaa sheegay Axadii in uu ka tagayo shaqada ugu sareysa, kadib wax ka yar hal sano oo uu xafiiska joogay.
Ishiba waxa uu xukunka hayay tan iyo bishii October 2024 waxana uu hogaaminayay isbahaysi u dhexeeya xisbiga Liberal Democratic Party (LDP) iyo xisbiga Komeito.
Dhowr xubnood oo ka tirsan xisbiga Ishiba, LDP, ayaa kalsoonida kala noqday isaga ka dib markii isbahaysigiisa talada haya ay lumiyeen aqlabiyadda labada aqal ee baarlamaanka muddada sanadka ah.
“Waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilka madaxweynaha xisbiga Libaraalka,” ayuu ku yiri shir jaraa’id oo uu qabtay Axadii.
Iscasilaada Ishiba waxa ay ku soo beegantay hal maalin uun ka hor markii xisbigiisu uu go’aan ka gaadhi lahaa in la qabto doorashada hoggaanka hore iyo in kale, taas oo noqon lahayd cod kalsooni kala noqosho ah haddii la ansixin lahaa.
Waxa uu damacsan yahay in uu xilkiisa guto inta laga dooranayo hogaamiye cusub oo xisbiga ah.



