Ra’iisul wasaara Kanada Carney oo u sheegay Trump in Kanada ‘aysan iib ahayn’

6 May, 2025

Raiisel wasaaraha Kanada Mark Carney ayaa Aqalka Cad kula kulmay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Talaadadii, isagoo si adag u diiday soo jeedinta Trump ee soo noqnoqotay ee ah in Kanada laga dhigo gobolka 51-aad ee Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha Kanada Mark Carney ayaa Talaadadii u sheegay dhiggiisa Mareykanka Donald Trump in Kanada aysan iib ahayn, islamarkaana aysan noqon doonin gobolka 51-aad ee Mareykanka.

Trump ayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Kanada ku soo dhaweeyay Xafiiska Oval Office.

“Kaliya waxaan rabaa inaan kuu hambalyeeyo,” Trump ayaa u sheegay Carney guushii uu ka gaaray doorashada xilli ay ku kulmeen saxafiyiinta hortooda.

Iyadoo labada dal ay ku loolamayaan dagaal ganacsi oo ka dhashay canshuur kordhinta Trump. Wax yar ka hor imaatinka Carney, Trump wuxuu ka sheegay baraha bulshada in Mareykanku uusan uga baahneyn “waxna” deriskooda waqooyi.

“Uma baahnin Baabuurtooda, uma baahnin Tamartooda, uma baahnin wax ay haystaan, marka laga reebo saaxiibtinimadooda, taas oo aan rajeyneyno inaan had iyo jeer ilaalino.”

Sheegashada Trump ayaa kasoo horjeeda xogta dhaqaale ee dhabta ah, maadaama Maraykanku uu ku tiirsan yahay saliidda laga soo saaro Kanada, marka lagu daro alaabooyin kale oo kala duwan oo ka gudbaya ganacsiga xuduudaha.

Laakiin mar uu kusoo dhaweenayey xafiiskiisa, Trump wuxuu dhiggiisa kala dul-dhacay ammaan, isagoo yiri; “Kanada waxay dooratay qof karti badan, qof aad u wanaagsan.”