Dawladda Albania ayaa wasiirkii u horreeyey u magacabay Garaadka Dad-sameega ah ee AI, iyada oo Diella…

Dawladda Albania ayaa wasiirkii u horreeyey u magacabay Garaadka Dad-sameega ah ee AI, iyada oo Diella oo la micno ah ‘Marwo cadceedo, kuna lebbisan dharka dhaqan ee dalkaas ay ka shaqaynayso la-dagaallanka musuqmaasuqa & kaydinta xogta.
“Diella ayaa bixin doonta qandaraas kasta, waxay Albania ka dhigeysaa dal aan lahayn wax-is-daba-marin”, Ayuu yiri Raysal wasaaraha Albania, Mr.Rama oo magacaabay Wasiir Cadceedo,
Arrintaan ayaa qayb ka ah dedaalada ay Albania ugu xusul duubayso in ay ka mid noqoto Midowga Yurub, xilli aaladdaha AI ay shaqooyin badan kala wareegeen bin’adanka haatana waxa uu soo fadhiistay miisaska go’aan gaadhista.



