Madaxii hore ee cadaalada, Sushila Karki, ayaa ku boorisay “dejinta iyo iskaashiga” ka dib maalmo mudaaharaadyo rabshado wata. Maamulka ayaa sheegay in ugu yaraan 72 qof lagu dilay mudaaharaadyadii musuqmaasuqa looga soo horjeeday ee horseeday in dowlada la rido.

Ra’iisul wasaaraha ku meel gaadhka ah ee Nepal, Sushila Karki, ayaa Axadii ku baaqday “xasilooni iyo iskaashi si dib loogu dhiso” Qaranka kadib markii ay dhaceen mudaaharaadyo dhalinyaradda uga soo horjeedaan musuqmaasuqa oo ay ku dhinteen ugu yaraan 72 qof.
Madaxii hore ee cadaalada ayaa wacad ku martay inay raacayso dalabaadka mudaaharaadayaasha si loo joojiyo musuqmaasuqa kadib markii “dhalinyaradda” mudaaharaadaya ay xilka ka tuureen Xukuumadii hore.
Mamnuuc dhanka baraha bulshada ah oo ay saartay xukuumadii ra’iisal wasaaraha la riday ee Khadga Prasad Oli ayaa horseeday mudaaharaadyo rabshado wata oo ay ku dhinteen ugu yaraan 72 qof labadii maalmood ee uu socday mudaaharaadka.
Hogaamiyaha KMG ah ayaa sheegtay in aysan xilkaasi sii heyn doonin muddo dheer, waxa ayna balan qaaday in ay ku wareejin doonto dowlada soo socota.
191 kale ayaa ku dhaawacmay sida uu sheegay xoghayaha guud ee dawladda Eaknarayan Aryal.

In kasta oo mamnuuciddii adeega baraha bulshada laga noqday, xasillooni-darro ayaa ka dhalatay arrintan oo sii ballaaratay taasoo salka ku heysa dhibaatooyinka dhaqaale ee daba dheeraaday ee Nepal.
Waxay ahayd qalalaasihii ugu xumaa tan iyo markii uu dhamaaday dagaal sokeeye oo socday muddo toban sano ah iyo baabi’intii boqortooyadii dalkaasi ee sanadkii 2008-dii.
Madaxweyne Ram Chandra Poudel ayaa kala diray baarlamaanka wuxuuna ku dhawaaqay in 5-ta bisha March doorashada dhici doonto, iyadoo lagu saleynayo talada ra’iisul wasaaraha cusub.



