Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markii ugu horeysay gaaray magaalada…

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markii ugu horeysay gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC KHATUMO.
Waftiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood ku soo dhoweeyey hoggaanka maamulka SSC, Mas’uuliyiin katirsan DFS iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Laascaanood.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo la hadlay shacabkii soo dhoweeyey ayaa sheegay in socdaalkiisu daaran yahay, midnimo, wadajir iyo nabadda Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Ra’iisul Wasaarw Xamse oo gaarey Laascaanood ayaa waxa uu yirir,”Booqashadeenu waxa ay xambaarsantahay Midnimo, Nabad, Walaalnimo Soomaaliyeed iyo Waxqabad.”