Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Somaliya Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa kulamo gooni…

Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Somaliya Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa kulamo gooni gooni ah ka wada Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Kulamadan oo ay la qaateen xildhibaano iyo siyaasiyiin ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay hordhac u yihiin kulamo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka oo ay ka qaybgelayaan madax hore iyo siyaasiyiin mucaarad ah.
Kulamada iyo madaxda mucaaradka ayaa si qoto dheer uga hadlay dhinacyada ay la kulmeen xaaladda cakiran ee doorashooyinka dalka, iyo sida loo heli karo xal waara oo ka turjumaya rabitaanka shacabka.