Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Somalia oo iska celinaya dhalashada dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee xukuumadda Federalka ah ee Somalia Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa ku dhawaaqay…

3 August, 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee xukuumadda Federalka ah ee Somalia Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa ku dhawaaqay inuu iscelinayo dhalashada dalka Kenya oo uu haystey muddo ka badan 20 sano, sida uu sheegay mar uu warfidiyeenka kula hadlay xafiiskiisa Magaalada Muqdisho.

Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa sheegay inuu maanta booqday safaaradda Kenya ee Magaalada Muqdisho si uu dib ugu celiyo baasaboorka Jamhuuriyadda Kenya, isagoo arrintaasi u sababeeyey macluumaad been abuur ah oo laga gudbiyey iyo tallaabooyin siyaasadaynsan oo ay qaadday xukuumadda Kenya.

“Waxaan maanta booqday safaaradda Kenya ee Magaalada Muqdisho anigoo ujeedkaygu ahaa inaan u celiyo dhalashadii Kenya oo aan haystay muddo ka badan 20 sano ah, dhalashadaas oo aan sida ay ku sheegeen aan ahayn dhalasho been abuur ah ahaydna dhalasho soo jireen ah laakiin marka aan arkay duruufaha gaarka ah iyo culaysyada jira ee soo cusboonaaday aan go’aan saday inaa isaga celiyo”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

Ra’siiul Wasaare ku-xigeenka 2aad ee Somalia ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo dadka Kenya soo dhaweynta ay Soomaalida u sameeyeen iyo dedaalka ay ciidamadeedu geliyeen ammaanka Somalia, haseyeeshee wuxuu carrabaabay inay jiraan culaysyo siyaasadeed oo kordhay sababayna inuu celiyo baasaboorkii uu ka haystey dalkaasi.

“Dowladda Kenya waa dal deris ah oo aan walaalo nahay in muddo ahna dadka qaxootiga ah ee Soomaaliyeed ay ku noolaayeen, dadkeena ganacsiga lehna aad u soo dhaweeyey, duruufo hadda soo cusboonaaday ayaa ciriiriga hadda jira keenay, sidaad ogtihiin ciidamadoodii ayaa difaaca nagula jira waana uga mahadcelinaynaa, laakiin waxaan go’aan saday anigoo RW ku-xigeenkii ah inaan dhalashadii u celiyo ayna nagu filnaan doonto keenii aan haysanay”, Ayuu yiri Markale RW ku-xigeenka 2aad ee Somalia.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dowladda Kenya dhawaan dalkeeda celisey inay soo galaan Mas’uuliyiin uu kamid ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka 2aad ee dalka, oo ay ku eedaysay inay haystaan dhalasho Kenyan aan sharci ahayn aysanna u ogolaan doonin inay dalkeeda soo galaan.