Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray Qaahira

4 March, 2025

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay u ambabaxay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa faahfaahin ka bixiyey socdaalka Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo ay xalay ugu ambabaxeen magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxay halkaasi kaga qaybgalayaan shir aan caadi ahayn oo ay leeyihiin madaxda ururka Jaamicadda Carabta oo looga hadlayo dib u dhiska Gaza.