Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in la soo afjaro colaadda…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in la soo afjaro colaadda ka taagan deegaannada Waqooyi Bari, lana qaado tallaabooyin lagu gaarsiinayo dhinacyada heshiis iyo nabad waarta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maxaabiista la isku sii daayo, isagoo tilmaamay in Waqooyi Bari ay tahay inay bilowdo tallaabadaas. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Somaliland inay aqbasho maamulka Waqooyi Bari, si loo soo afjaro colaadda loona gaaro heshiis.
“Reer Somaliland iyo Waqooyi Bari waa walaalo. Dadka Laascaanood jooga markaan la sheekeystay, kulli waxay qaraabo la yihiin Somaliland. Waa in aad heshiisaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay wada-hadal ay Somaliland la yeelato, isagoo xusay in wada-hadalkaas ay qayb ka noqoto Waqooyi Bari.
“Somaliland waxaan diyaar ula nahay wada-hadal ay nagula socoto Waqooyi Bari,” ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre.




