Ra’iisul Wasaare Xamse oo dalka dib ugu soo laabtay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka dalka ku soo laabtay…

5 September, 2025

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka dalka ku soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay Dalalka Shiinaha iyo Serbia

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalka Shiinaha uga qeyb galay Shirka 7aad ee China-Arab States Expo oo uu khudbad ka jeediyey isagoo sidoo kale kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda dalkaas oo uu kal hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo in Shiinuhu uu Maalgashi ku maseysto fursada dihan ee dalkeena ka jira

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale booqasho rasmi ah ku tagay dalka Serbia iyada oo soo dhaweyn taariikhi ah loogu sameeyey caasimadda Belgrade, waxaana uu qasriga madaxtooyada dalkaas kula kulmay dhiggiisa Serbia mudane Duro Macut, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.