Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo safar shaqo u joogo magaalada Laasacaanood ee…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo safar shaqo u joogo magaalada Laasacaanood ee xarunta Waqooyi Bari ayaa habeenimadii xalay booqday qaar kamid ah goobaha ganacsiga iyo suuqyada Magaalada Laascaanood.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo waqti la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku dhex lugeeyey goobaha ganacsiga, kuwa lagu caweeyo iyo laamiga weyn ee magaalada dhex maro.
Dadweyne aad u tiro badan ayaa goobahaasi soo buux dhaafiyey, iyaga oo si diiran, mashxarad iyo marxabeynleh u soo dhaweyey inta uu socdaalka ku jiray.
Socdaalka waxaa ku wehliyey Ra’iisul Wasaaraha xubno ka mid ah Dowladda Federaalka, iyo Hoggaamiyaha Waqooyi Bari Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw Cali iyo warbaahinta Dowladda iyo tan maxaliga ah.




