Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku dhawaaqay inuu kumanaan askari ka qorayo Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka hadlay ciidamada ay DFS ka qoranayso Puntlnd iyo…

3 July, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka hadlay ciidamada ay DFS ka qoranayso Puntlnd iyo doorka ay shacabka Puntland, gaar ahaan reer Boosaaso, ku lahaayeen dib u soo nooleynta dowladnimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ay qorsheynayso in Puntland laga qoro 30,000 oo askari, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda uu metelo ay hirgelin doonto qorshahaas.

“30K oo ciidan ah ayaan ka qoraynaa halkaas (Puntland), anigaa metela“, Ayuu yiri RW Xamse oo u jawaabayey Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale, wuxuu ammaanay kaalinta ay dadkii reer Puntland ku lahaayeen dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay in naf-hurnimadoodii ay suuragelisay in maanta ay dowladdu ka shaqeyso Villa Somalia.

“Wiilal Boosaaso ka soo lugeeyey oo cashuurta dekeddaas biilanaya ayaa keeney in aan maanta Villa Somalia joogno, halkan ayey ku duugan yihiin, iyagaa soo celiyey dowladnimada dalka“, Ayuu yiri Xamse.