Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku wajahan Magaalada Laascaanood.

16 January, 2026

Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari ayaa waxaa weli ku qulqulaya wafuud kala duwan oo…

Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari ayaa waxaa weli ku qulqulaya wafuud kala duwan oo hordhac u ah madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia.

Wafuudda horay u gaarey Magaalada Laascaanood waxaa kamid ah xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha ammaanka, oo ay ku jiraan Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Jen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Jen. Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano).

Amniga guud ee Magaalada Laascaanood ayaa siweyn loo adkeeyey iyadoo lagu xoojiyey ciidamada deegaanka kuwa ilaalada madaxda dowladda iyo kuwa ka kala yimid qaar kamid ah magaalooyinka Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Somalia Xamse Cabdi Barre ayaa markiisii labaad maanta laga sugayaa Magaalada, isagoo qayb ka noqon doona wafuuda ka qaybgelaysa caleema-saarka Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Awcali (Firdhiye).