Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa safar shaqo kusoo gaaray magaalada…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa safar shaqo kusoo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug, halkaasi oo uu maalmaha soo socda ku sugnaan doono.
Ra’iisul Wasaaraha waxaa si diirran usoo dhoweeyay Hoggaamiyaha dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Agaasimaha hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo qeybaha kala duwan bulshada.
Booqashadu waxay timid xilli siyaasadeed oo xasaasi ah oo ka jira Galmudug, halkaas oo doodaha ku saabsan doorashada madaxtinimada ee soo socota ay si weyn u xoogaysteen bilihii u dambeeyay.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, oo sidoo kale loo yaqaan Qoorqoor, ayaa si cad u sheegay inuu doonayo inuu mar kale isu soo taago xilka, wuxuuna ku baaqay in la qabto hannaan doorasho oo furan isla markaana tartan leh. Waxa uu sidoo kale ku dooday in Dowladda Federaalka aysan faragelin arrimaha siyaasadeed ee gudaha ee maamulka gobolka.
Kormeerayaasha siyaasadda ayaa si dhow ula socday xaaladaha ka socda Dhuusamareeb iyadoo ay jireen warar sheegaya dadaallo ay wadaan xubno ka tirsan Villa Somalia si ay saameyn ugu yeeshaan natiijada doorashada. Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin wax heshiis ama taageero musharrax gaar ah.
Mahad Maxamed Salaad, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed (NISA), oo asal ahaan ka soo jeeda Galmudug, ayaa sidoo kale gobalka ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay. Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in ay socdaan wada-tashiyo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadaha siyaasadeed ee la xiriira hannaanka doorashada.
Ilaa hadda lama shaacin jadwal rasmi ah oo ku saabsan doorashada madaxtinimada Galmudug.



