Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay inaan laysaga aargoosan doonin Baydhabo.

31 March, 2026

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Somalia Xamse Cabdi Barre, ayaa markii ugu horreysey ka hadlay…

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Somalia Xamse Cabdi Barre, ayaa markii ugu horreysey ka hadlay xaaladda deegaamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo tallaabadii ay dowladdu ku qabsatay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xamse Cabdi Barre, ayaa siweyn u taageeray dedaalkii ay ciidanka dowladda Federalka ah ee Somalia ku bixiyeen qabashada Magaalada Baydhabo, isagoo xusay in dowladdu gacanta ku hayso qorshaha doorashooyinka Maamulka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidanka dowladdu ay gacanta ku hayaan amniga guud ee magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, isla markaana aysan jiri doonin wax aargoosi ah, isaga oo caddeeyey in talada dadka dib loogu celin doono, bulshaduna ay soo dooran doonaan hoggaanka maamulkooda.