Ra’iisul Wasaare Xamse oo su’aal geliyey nidaamka federalka Somalia qaadatay.

26 April, 2026

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Somalia Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay hanaanka federalka ee…

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Somalia Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay hanaanka federalka ee ay Somalia qaadatay, isagoo xusay inuu jiro cadaw diiddan horumarka iyo midnimda Somalia.

“Federalnimadu wax dembiya oo ay leedahay majirto waana marxalad loo qaato in xukunkii iyo shaqadii dowladnimada lagu daadejiyo oo looga qaado caasimadda loona gaarsiiyo tuulada”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Dhanka kalena, Ra’iisul Wasaaraha ayaa su’aal geliyey in federalismku uu isbeddel ku sameeyey hanaankii dowladnimo, maamul iyo horumar ee guud ahaan Somalia, tan iyo bilowgii dowladnimada saddexaad ee Soomaalidu qaadatay.

“Haddii federalku yahay nidaam lagu daadejinayo nidaamka dowladnimada min caasimad ilaa tuulo laakiin weli dalkii uu weli sidii yahay habkaas maku soconaa mise jidkale ayuu ina mariyey, waxaan leeyahay waxaan leenahay cadaw waxaan marka u baahanahay midnimo”, Ayuu yiri RW Xamse.