RASMI: Ajandayaasha horyaalla kal-fadhiga 58aad ee barlamaanka Puntland.

Golaha Wakiillada Puntland ayaa guda galay Kal-fadhigooda 58-aad, kaas oo si rasmi ah uu u furay…

18 June, 2026

Golaha Wakiillada Puntland ayaa guda galay Kal-fadhigooda 58-aad, kaas oo si rasmi ah uu u furay Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim u ah sharci-dejinta, la xisaabtanka xukuumadda, amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda guud ee Puntland.

Ajandayaasha ugu muhiimsan ee horyaalla Golaha waxaa ka mid ah ansixinta ajandaha rasmiga ah ee kalfadhiga, dhegeysiga warbixinta guddiga joogtada ah iyo warbixinaha guddiyada kala duwan ee golaha oo ay kamid yihiin xoojinta isla xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo kor u qaadista masuuliyadda laamaha fulinta.

Goluhu waxa kale oo uu mudnaanta siin doonaa ka doodista iyo meelmarinta xeerarka ay xukuumaddu usoo gudbiso Golaha, iyadoo si gaar ah loo eegi doono xeerarka la xiriira maamulka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Dhinaca dhaqaalaha, Golaha Wakiilladu wuxuu falanqayn iyo dood ka yeelan doonaa xisaab-xirka sannad-maaliyadeedka 2025, si loo qiimeeyo dakhliga iyo kharashaadka dowladda. Xildhibaannadu waxay sidoo kale awood u yeelan doonaan inay u yeeraan masuuliyiinta ay khusayso haddii ay jiraan arrimo u baahan faahfaahin dheeraad ah ama isla xisaabtan.

Ajandaha Kalfadhiga 58-aad waxaa sidoo kale ku jira arrimaha siyaasadda Puntland ee ku aaddan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xaaladaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan qodobbada la xiriira doorashooyinka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska.