Eng. Ismaaciil Siciid Aw-muuse oo kamid ah aqoonyahanka Puntland ayaa loo magacaabay Maareeye kuxigeenka cusub ee Dekedda Muqdisho.

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa u magacaabay Eng. Ismaaciil Siciid Aw-Musse, Maareeye ku-xigeenka Dekadda Muqdisho, kadib soo-jeedintii Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS.
Magacaabistan ayaa qayb ka ah qorshaha lagu dardargelinayo dib-u- habaynta iyo horumarinta kaabayaasha Dekadaha Dalka, si waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee DFS.
Maareeye ku-xigeenka cusub ee Dekedda Muqdisho, Eng. Ismaaciil Siciid Aw-musse oo ah siyaasi iyo aqoonyahan wax ku bartay dalka iyo dibadiisa ayaa la filayaa inuu kor u qaado isla markaana horumariyo dekedaha dalka.