Raysal Wasaaraha UK: Ammaanka Britain waa ammaanka Ukraine.

15 March, 2025

Maanta oo Sabti ah, Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa isugu keenay hoggaamiyeyaasha shan iyo labaatanka dal ee taageeraya Ukraine kulan dhanka fogaan aragga ah, iyagoo doonaya inay aasaaska u dhigaan isbahaysi si loo ilaaliyo heshiis kasta oo xabbad joojin ah oo ka dhaca Kiev.

” Waa inaan sii wadnaa cadaadiska oo aan gaadhno nabad waarta oo ka dhacda Ukraine,” isagoo raaciyay, “Putin wuxuu imaan doonaa miiska wada xaajoodka ee ku saabsan Ukraine” goor dhow ama dambe, taasoo muujineysa in madaxweynaha Ruushka uu isku dayayo inuu dib u dhigo nabadda.” ayuu yiri; Starmer

Waxa uu sidoo kale sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay tahay in uu caddeeyo in uu nabada uu doonayo iyo inuu saxiixo heshiis xabbad-joojin ah oo laga sameeyo Ukraine.

Waxa uu intaa ku daray, “Ukraine waxay hadda nagu tiirsanaan karaan si ka badan sidii hore,” isagoo ku nuux-nuuxsaday in ammaanka Britain uu yahay ammaanka Ukraine.

Horseed Media