Raysal Wasaare ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Baydhabo

5 March, 2025

Raysal Wasaare Kuxigeenka labaad ee xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Baydhabo u tagey inuu la shiro madaxweyne Laftagareen.

Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalam Cabdi Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray caasimaadda KMG ah, ee Maamul Gobolleedka Koonfur-galbeed ee Baydhabo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo boqolaal shacab ah ayaa si diirran usoo dhaweeyay wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka iyo wafdigiisa oo xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa diiradda lagu saaray qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo dhinacyada amniga iyo dib-u-xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed ay kaga sugan yihiin kooxaha argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka.

Horseed Meia