Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka…
Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Ingiriiska.
Raysal wasaare Rooble ayaa London ka qaybgalaya shir heer Caalami ah oo looga hadli doono sara u qaadista tayada Waxbarashada Carruurta, wuxuuna inta uu joogo UK la kulmi doonaa Raysal Wasaaraha UK Boris Johnson , Madax iyo Mas’uuliyiin kale.
Safarka UK ee Raysal Wasaare Rooble ayaa noqonaya safarkii ugu horreeyay ee uu ku tegayo tan iyo markii xilka Raysal Wasaaraha Xukuumadda loo magacaabay.
Horseed Media