Raysalwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shir lagu galay Fogaan iska arag (Video conference) la qaatey…

Raysalwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shir lagu galay Fogaan iska arag (Video conference) la qaatey dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, waxaana uu warbixin ka siiyey xaaladda dalka.
Wakiilada uu Raysalwasaaruhu shirka la qaatey ayaa ka socdey Midawga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Turkiga, Ingiriiska, iyo Mareykanka.
Kulanka ayaa looga dooday horumarka ay ku tillaabsatay dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo tillaabooyinka xiga ee dib-u-kabashada dalka.
Mudane Xasan Cali Khayre waxuu sheegay in hoggaanka dalka ay ka goโantahay dib-u-habeynta heyโadaha dowladeed, in lagu taagnaado wadada dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo in lagu geeleysto Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah.
Dhammaan masโuuliyiinta ka qayb galay kulanka ayaa ballan qaaday in sii wadayaan taageerada dowladda Soomaaliya ay la garab taaganyihiin si loo gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed
Horseed Media