Reer Garoowe oo lagu amray inay ka guuraan guryaha Dowladda.

Maamulka degmada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland ayaa shacabka ugu yeeray inay banneeyaan dhulka iyo guryaha…

13 June, 2026

Maamulka degmada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland ayaa shacabka ugu yeeray inay banneeyaan dhulka iyo guryaha Dowladda ee ay muddada dheer kujiraan si loogu qabto shaqooyinka bulshada ka dhexeeya.

Guddoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Garoowe Cabdulqaadir Axmed Tuurre oo la hadlayey shacabka ayaa caddeeyey in Dowladdu u baahan tahay dhulkeeda isla markaana ay waajib tahay in qof walba uu banneeyo, isagoo ka codsaday nabadoonada iyo hay’adaha Dowladda iyo inay kala shaqeeyaan arrinkaasi.

“Dhulkii dowladdu ay lahayd waxaan rabnaa inaan u soo jeensanno oo bannayno, guryaha dowladda ee la deggan yahay in la banneeyo ayaan rabnaa si loogu shaqeeyo, maxaa yeelay adigu malihid ma dhaxli kartid lagaamana dhaxli karo daynna kuma bixin kartid”, Ayuu yiri duqa degmada Garoowe Geeddi Axmed Tuurre.

Dhanka kalena, guddoomiyaha ayaa sheegay in cidkasta oo dhaqaale ka galay guryaha dowladda lagula xisaabtami doono, loona celin doono haddii uu yeesho hanti ka badan kirada uu ku degganaa muddadii uu intifaacsanayey guryaha iyo dhulka Dowladda ee dadweynaha oo idil ka dhexeeya.

“Waxaa laga yaabaa dadka qaarkood inay dhehaan anigu waan dayactirtay dhib maleh waa lagugula xisaabtamayaa intaa degganayd ayaa lagu dhufayanayaa kadibna wixii aad gelisay ayaa laga jarayaa haddii baaqi kuu haro waa laguu celinayaa haddii wax lagugu yeeshana waa bixinaysaa laakiin waxaan rabnaa in la banneeyo dhulka dowladda”, Ayuu yiri duqa degmada Garoowe.

Ugu dambayntiina duqa ayaa sheegay in loo soo socdo qofwalba oo deggan guryihii dowladda ee la yiqiinay, wuxuuna ugu baaqay inay ka sii tabaabushaystaan kana baxaan,”Guryihii dowladda ee dhisnaa ee la yiqiin qof walba oo deggan waa loo soo socdaa, dadkaaga hakala ballamin, ha dhaxlan adigu malihide umadda ayaa wada leh.”