Reer guuraa ku xoola beelay roob ka da’ay gobolka Nugaal.

2 days ago

Roobkii guga ee ka curtay qaar kamid ah deegaamada Puntland ayaa khasaare maal gaarsiiyey qaar kamid…

Roobkii guga ee ka curtay qaar kamid ah deegaamada Puntland ayaa khasaare maal gaarsiiyey qaar kamid ah reer guuraaga ku dhaqan dooxada Cada-dheero ee gobolka Nugaal.

In ka badan 500 oo ari ah ayaa la xaqiijiyey inuu roobku ku laayey dooxada Cada-dheero kadib markii ay kulansadeen dhibicda roobka iyo biyo daad ah oo ka soo rogmey qaybo kamid ah togagga goboolka Nugaal.

“Waxaan lahaa laba tiro iyo 1o neef (210) oo ari ah maantana waxaa xerada iigu haray 30 neef oo kaliya, qadar eebbe ayaa nagu dhacday Allena waxaan ka baryayaa bedel khayr qaba”, Ayuu yiri mid kamid ah dadka ku xoolo beelay dooxada Cada-dheero.

Dhanka kalena, ciidanka Puntland ayaa ku guulaystey inay dhiiri ka saaraan ku dhowaad 50 halaad oo dhaabtay, waxaana dadka deegaanku bilaabeen inay ka guuraan dhulka godan.