Reer Puntland oo loogu baaqay inay u midoobaan dagaalka Daacish.

13 February, 2025

Suldaan Maxamuud Suldaan Jaamac oo kamid ah isimada dhaqanka deegaamada Puntland ayaa si adag uga hadlay…

Suldaan Maxamuud Suldaan Jaamac oo kamid ah isimada dhaqanka deegaamada Puntland ayaa si adag uga hadlay dagaalka ay ciidamada dowladda Puntland kula jiraan kooxda Daacish.

Waxa uu Suldaan Maxamuud Suldaan Jaamac sheegay in kooxda Daacish ay tahay argagixiso caalami ah oo ku soo duushey dhulka Soomaaliyeed gaar ahaan bariga Puntland loona baahan yahay in loo midoobo sidii loo dabar goyn lahaa.

“Daacish malahan Ab iyo Isir, waa cadaw caalami ah, waa cadaw aan aniga, adiga iyo inta i maqlaysa hadday arkaan aan waxba ka reebayn, sidaas darteed waa inaan dhammaanteen u midownaa sidii aan ula dagaalami lahayn”, ayuu yiri Suldaan Maxamuud Suldaan Jaamac.

Hadalka Suldaanka ayaa ku soo beegmaya xilli uu maalin kahor dagaal kharaar Daacish iyo ciidamada difaaca Puntland ku dhexmaray deegaanka Haraaryo ee dhaca Buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.