Reer Sanaag oo magdhaw ka dalbaday dilkii Caaqil Cumar Cabdullaahi.

11 December, 2025

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, cuqaasha iyo qaybaha kala duwan ee gobolka Sanaag ayaa magdhaw ka dalbaday…

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, cuqaasha iyo qaybaha kala duwan ee gobolka Sanaag ayaa magdhaw ka dalbaday dilkii bishii 9aad dowladda Maraykanku u geysatey Caaqil Cumar Cabdullaahi oo ka soo jeedey gobolkaasi.

Bulshada gobolka Sanaag oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in xaq darro lagu dilay Caaqilka, iyagoo xusay inuu ahaa nin ka shaqayn jirey nabadda gobolka iyo guud ahaan Puntland.