Reer Sanaag oo qaadacay ka qayb noqashada dhismaha SSC KHATUMO.

8 July, 2025

Waxgaradka gobolka, odayaasha dhaqanka iyo Mas’uuliyiinta Puntland ee gobolka Sanaag oo shir ku qabtay Magaalada Badhan…

Waxgaradka gobolka, odayaasha dhaqanka iyo Mas’uuliyiinta Puntland ee gobolka Sanaag oo shir ku qabtay Magaalada Badhan ayaa si adag uga hadlay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda gobolka.

Mas’uuliyiinta iyo waxgaradka gobolka Sanaag ayaa sheegay inaysan qayb ka ahayn dhammaystirka maamulka SSC KHATUMO, iyagoo digniin u diray DFS iyo xubnaha horboodaya shaqaaqada gobolka gobolka.

“Sanaag arrimeheeda faraha halagala boxo, anagaa taladeeda iska leh qof noogu talin karaa majiro taladeenuna waa taas taalla deegaamada Puntland”, Ayuu yiri wasiirka caafimaadka Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel.

“Haddaan wax isku darsanayno qaab ayaa jira wadadeediina ma aydinaan soo marin, kuwa Laascaanood jooga ee reer Sanaag naguma matalaan shirka, Firdhiye waxaan leenahay waxaad waddaa quursi iyo meelka dhac beeleed”, Qaar kamid ah waxgaradka gobolka Sanaag.