“Reer Somalilandnaw waa naga nixiseenne naga farxiya oo soo laabta”, RW Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ah ee Somalia Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed siweyn…

26 June, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ah ee Somalia Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed siweyn uga nexeen go’aankii Somaliland safaaradda uga furatay Qudus iyo guud ahaanba cilaaqaadka ay la yeelatay maamulka Yuuhuudda.

“In hoggaamiye Soomaaliyeed Baytul-maqdis inta tago yiraahdo waa caasimadda Yuhuudda kuma farxin, Umadda Soomaaliyeed way ka naxday, waxaan walaaleheen (Somaliland) ka codsanaynaa in aysan mardambe umadda Soomaaliyeed ka nixin”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Dhanka kalena, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka sugayeen Somaliland meel ka duwan halkaasi, wuxuuna sheegay in arrinkaasi yahay mawqif aysan 99% dadka reer Somaliland qabin oo shaqsiyaad u gaar ah.

“Meeshii laydinku yiqiiney ayey dadka Soomaaliyeed idinka filayaan, waxaan aaminsanahay oo ku kalsoonahay inaysan 99% dadka reer Somaliland qabin mawqifkaasi, walaalaha ku qaldamay waxaan filaynaa inay soo laabtaan oo naga farxiyaan”, Ayuu yiri markale Ra’iisul Wasaare Xamse.