Roob ka curtay qaybo kamid ah gobolada Puntland.

13 April, 2025

Raxmadda Eebbe oo siweyn loogu diirsaday ayaa laga soo sheegayaa qaar kamid ah gobolada Puntland oo…

Raxmadda Eebbe oo siweyn loogu diirsaday ayaa laga soo sheegayaa qaar kamid ah gobolada Puntland oo ay muddooyinkii ugu dambeeyey ka soo yeeraysay qayla-dhaanta abaartu dhalisay.

Deegaamo katirsan gobolada Bari iyo Karkaar oo ay kujiraan magaalooyinka Qardho & Waaciye ayaa laga soo werinayaa roobab siweyn loogu diirsaday oo biyo ku soo rogey togagga waaweyn.

Dhanka kalena, goob joogayaal ku sugan hawdka gobolka Nugaal ayaa HM u xaqiijiyey in roob biyo geliyey inta badan baraagaha siweynna loogu diirsaday uu ka da’ay tuulooyinka u dhexeeya Garoowe ilaa Godobjiraan.

Curashada raxmadda gu’ga ayaa ku soo beegmaysa xilli Puntland laga sooman yahay maalinkii 2aad berrina loo balansan yahay isu soo bax roob-doon ah, sida ay dhowaan shaacisay wasaaradda caddaaladda Puntland.