Roobab dabaylo wata oo ka curtay deegaamo katirsan Bariga Puntland.

Inta la xaqiijiyey hal ruux oo dumar ah ayaa ku geeriyootay roob dabaylo xooggan wata oo…

8 September, 2026

Inta la xaqiijiyey hal ruux oo dumar ah ayaa ku geeriyootay roob dabaylo xooggan wata oo shalay galinkii dambe ka da’ay tuulada Ceelgaal oo hoostagta degmada Qandala ee gobolka Bari, sida ay dadka deegaanku u xaqiijiyeen warbaahinta gudaha.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in haweeneyda ay geeriyootay kadib markii uu ku dumay guri ay ku jirtay xilliga roobka iyo dabaylaha, oo sidoo kale sababay khasaare hantiyeed oo dadka bulshada soo gaarey.

Inkastoo la xaqiijiyey in roobabku ahaa mid aan xoogganayn haddana dabaysha uu watey oo la rumaysan yahay inay qayb katahay duufaanta Elnino ayaa sababtay khasaare naf iyo maalleh, waxaana dowladdu ugu baaqday bulshada kunool xeebaha iyo deegaamada godanta ah inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

Puntland ayaa muddooyinkii dambe dadka uga digaysay roobab dabaylo wata oo saadaasha hawadu sheegtay inay ku soo wajahan yihiin deegaamo katirsan gobolada Nugaal, Sool, Bari iyo qaybo kamid ah gobolka Mudug ee dhaca bartamaha Soomaaliya.