Roobab mihiigaan ah oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ayey qaybo kamid ah degmooyinka…

Roobab mihiigaan ah oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ayey qaybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa saamayn xooggan ku yeeshay isu socodka gaadiidka dadweynaha, duulimaadyadii garoonka diyaaradaha, xarumaha ganacsiga iyo shaqooyinkii dowladda.
Roobabkaan oo ahaa kuwa aad u xooggan ayaa sababay hakad ku yimaado qaar ka mid ah duulimaadyadii caalamiga ahaa ee maanta imaan lahaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyadoo diyaaradaha qaar ay hakad ku galeen garoomo kuyaal dalalka deriska ah.
Dhanka kalena, qulqulka biyaha xooggan ee waddooyinka Muqdisho ayaa sababay in saaka la baajiyo kulankii Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (BJFS), iyadoo xaaladda cimiladu ay saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa guud ee Magaalada Caasimadda ah.
Curashada roobka dayrta ayaa maalmihii la soo dhaafay siweyn loo saadaalinayey iyadoo odorosayaasha arrimahaan ku xeeldheer ay sheegayaan in sanadaan ay tahay mid barwaaqaad deegaamada qaarna laga cabsi qabo dabaylo, daadad iyo roobab xad dhaaf ah.




