Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir jaraa’id uu qabtay ku dhaliilay Madaxweyne…

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir jaraa’id uu qabtay ku dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo ku eedeeyey inuu dalka ku hoggaaminayo siyaasad khatar ku ah midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, Rooble ayaa sheegay in madaxweynuhu wax ka bedelay qodobbo muhiim ah oo ka tirsan dastuurka gaar ahaan kuwa la xiriira doorashooyinka isagoo ku adkeysanaya qorshe doorasho oo aan la isku raacsanayn. Wuxuu tilmaamay in arrintani ay ka tarjumayso rabitaanka madaxweynaha ee sii joogista kursiga halkii uu ka ilaalin lahaa xasilloonida dalka.
Isagoo ka hadlaya xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada Rooble wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan uu ku fashilmay inuu la heshiiyo Jubbaland iyo Puntland isla markaana uu carqaladeeyey wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa uu tusaale u soo qaatay hadalkii Xasan Sheekh ee ahaa inuusan wax heshiis ah la geli doonin Puntland iyo Jubbaland taas oo uu ku tilmaamay mid muujinaysa siyaasad burbur ku ah maamulka dalka.
Rooble ayaa sidoo kale dib u xusay xaaladdii siyaasadeed ee madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isagoo sheegay in Xasan Sheekh maanta ku taagan yahay boos ka khatar badan kii Farmaajo lagu dhaliili jiray “Madaxweyne Xasan wuxuu taagan yahay haddii Farmaajo iska joogey anaaba Muqdisho ka soo jeeda oo joogaya, wuxuu nagu dhahay Puntland iyo Jubbaland lama heshiin doono, taasna waxay caddeyn u tahay khilaaf joogto ah iyo burbur siyaasadeed” ayuu yiri Rooble.
Ugu dambeyn Rooble ayaa sheegay in madaxweynuhu uu si cad u fashiliyey kulamadii iyo ballan-qaadyadii ka soo baxay shirarkii Mucaaradka uu la galay, Wuxuu ku baaqay in dalka laga badbaadiyo khilaafka siyaasadeed ee sii kordhaya isaga oo ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka shaqeynayo dano gaar ah oo keeni kara xaalad ka sii daran tii lagu dhaliili jiray dowladdii Farmaajo.



