Ruushka iyo Kuuriyadda Waqooyi oo ka wadahadlay dagaalka Ukraine

12 July, 2025

Dowlada Waqooyiga Kuuriya ayaa “dib u xaqiijiyay taageeradooda dhammaan ujeedooyinka” dagaalka Ruushka iyo Ukraine, ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibada ee Ruushka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa la kulmay Kim Jong Un hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyiga, iyadoo intii uu socday shirkaas ay xukuumada Pyongyang ay xaqiijisay in ay taageersan tahay dagaalka Ruushka ee ka socda Ukraine oo kumanaan askarteeda ah lagu dilay.

Warbaahinta dowladda Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa goor sii horreysay shaacisay booqashada, iyadoo sheegtay in Lavrov uu joogi doono illaa Axadda.

Waa safaradii ugu dambeeyay ee isdaba jooga ah ee madaxda sare ee Moscow ay ku tagayaan Kuuriyada Waqooyi iyada oo waddamadu ay sii xoojinayaan xiriirka milatari iyo kuwa siyaasadeed iyaga oo diiradda saaraya duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Pyongyang ayaa noqotay mid ka mid ah xulafada ugu muhiimsan Moscow intii lagu guda jiray dagaalka saddexda sano socda ee Ukraine, iyadoo u dirtay kumanaan ciidamo ah iyo hub si ay u caawiyaan Kremlin-ka in laga saaro ciidamada Ukraine ee qabsaday gobalka Kursk ee Ruushka.

Waqooyiga Kuuriya ayaa sidoo kale ogolaatay in ay u dirto 6-kun oo injineero ah, si ay gacan uga geystaan dadaallada dib u dhiska.

In ka badan 6-kun oo askari oo Kuuriyada Waqooyi ah ayaa ku dhintay dagaalka Ruushka iyo Ukraine, sida ay sheegtay sirdoonka difaaca ee Britain.

Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa iyaguna walaac ka muujiyay arrintan, waxayna sheegeen in laga yaabo in hogaamiye Kim uu raadiyo helida tignoolajiyada Ruushka taasi oo kor loogu qaadayo hubkooda Nukliyeerka.