Ruushka iyo Maraykanka ayaa ku heshiiyey inay dejiyaan hannaan lagu xallinayo khilaafka Ukraine

18 February, 2025

Diblumaasiga ugu sarreeya Ruushka iyo dhiggiisa Mareykanka ayaa sheegay in ay isku raaceen in la sameeyo hannaan lagu dejinayo colaadda Ukraine. Dhanka kale, Zelenskyy ayaa diiday wadahadal kasta oo ku saabsan mustaqbalka Ukraine oo aan iyaga lagala tashan.

Washinton waxa ay fahantay mowqifka Moscow “si wanaagsan” ka dib wadahadaladii heerka sare ahaa ee Talaadadii ka dhacay Riyadh, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa yiri.

“Wadahadalka, waxaan aaminsanahay, inay faa’iido badan lahayd, ma aanan dhagaysan oo kaliya ee waa is maqalnay, waxaanan haystaa sabab aan ku rumaysto in dhinaca Maraykanku si fiican u fahmeen mawqifkayaga,” ayuu yiri Lavrov, oo madax ka ahaa wafdiga Ruushka ee wada-hadalladii ugu horreeyay ee labada quwadood ee adduunka tan iyo 2022-kii duulaankii Ukraine.

Lavrov ayaa ku daray in labada dal ay ku heshiiyeen in la dejiyo hannaan lagu xallinayo colaadda Ukraine iyo in meesha laga saaro caqabadaha soo wajaha ergada diblomaasiyadeed.

Diblumaasiga ugu sareeya Ruushka ayaa sidoo kale taabtay arrinta ku saabsan isballaarinta NATO, taasoo Moscow ay ku tilmaantay mid ka mid ah sababaha ay ugu soo duushay Ukraine. Waxa uu ku tilmaamay mid khatar toos ah ku ah Ruushka, waxana uu carabka ku adkeeyay in uu la socodsiiyay wufuuda Maraykanka in ciidan kasta oo NATO ay geeyaan Ukraine, xitaa kuwo calamo kale wata, aan la aqbali doonin.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay inuu ku qancay in Moscow ay diyaar u tahay in ay gasho “hannaan” lagu soo afjarayo dagaalka, isaga oo intaa ku daray in Washington ay uga gol leedahay xal “caddaalad” oo “waarta”.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Tammy Bruce ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in kulanka uu ahaa “tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday” oo dhanka nabadda ah.

Rubio wuxuu sheegay in wadamada Yurub ay ku qasban yihiin inay ka qayb qaataan wadahadalada lagu joojinayo dagaalka.