Ruushka iyo Ukraine oo is-dhaafsaday maxaabiis

23 May, 2025

Ruushka iyo Ukraine ayaa sheegay in midkiiba uu dib u celiyay 390 qof oo maxaabiis ah. Isweydaarsiga ayaa la filayaa inuu sii socdo maalmaha soo socda.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in Ukraine ay dib ugu celisay Ruushka 390 maxbuus.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sidoo kale sheegtay in Ruushka uu dib u celiyay 390 qof oo maxaabiis ah oo ay isku dhaafsadeen Ukraine. Sida ay sheegtay wasaaraddu, dhinac walba wuxuu sii daayay 270 askari iyo 120 qof oo rayid ah.

Maxaabiista ugu badan tan iyo markii dagaalku bilaabmay waa marxaladii ugu horeysay ee heshiiska isdhaafsiga ee lagu gaaray wadahadaladii Ruushka iyo Ukraine ee Istanbul.

In ka badan seddex sano oo dagaal ah ka dib, labada waddan waxay hayaan kumanaan maxaabiis dagaal. Ruushka ayaa la aaminsan yahay inuu haysto tiradda ugu badan, iyadoo lagu qiyaaso 8,000 ilaa 10,000 maxbuus oo u dhashay Ukraine.