Waddamada Yurub, Ruushka iyo Ingiriiska ayaa xusay sannad-guuradii 80-aad ee ka soo wareegtay markii uu dhammaaday dagaalkii labaad ee Adduunka iyo guushii ay xulafadu ka gaareen Naasigii Jarmalka, iyadoo jawiga xiisadda siyaasadeed iyo colaadaha hubaysani ay ka socdeen, gaar ahaan bariga Ukraine.

Munaasabado rasmi ah ayaa lagu qabtay caasimadaha si loo xuso munaasabadan taariikhiga ah, halka inta badan hogaamiyayaasha Midowga Yurub ay diideen casuumaadda Moscow ee ka qeybgalka dabaaldegeeda rasmiga ah, iyaga oo ka soo horjeeda waxa reer galbeedku ku tilmaameen duulaanka Ruushka ee Ukraine.
Boqortooyada Ingiriiska ayaa sidoo kale xuska sanadguurada 80-aad ku qabatay VE Day taas oo socotay 5-tii ilaa 8-da May.
Dabaaldegga ayaa ku billowday ka soo qeybgalka Boqor Charles III iyo Boqorada Camilla dhoolatus militari oo rasmi ah oo ka dhacay magaalada London, taasoo muujineysa bilowga afar maalmood oo munaasabado qaran oo lagu xusayo guushii lagu jabiyey Nazi-gii Jarmalka ee dagaalkii 2aad, May 8, 1945-kii.
Dalka Ruushka, sanadguuradii 80-aad ee maalinta guusha waxaa lagu xusayaa Moscow.
7-dii bishan May, waxaa la sameeyay dhoolatuska guud ee militariga, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada qalabka sida ee Ruushka, si loogu diyaargaroobo dabaaldaga rasmiga ah ee maalinta berito ah ee 9-ka May, taasoo ay si weyn uga qeyb qaadan doonaan ciidamada militariga iyo marti sharaf caalamka ka kala timid.