Ruushka oo dalkiisa ka cayriyey labo kamid ah diblamaasiyiinta Ingiriiska

10 March, 2025

Boqortooyada Ingiriiska ayaa Isniintii cambaareysay ku dhawaaqista Ruushka ee ah in uu eryay laba ka mid ah dublamaasiyiinteeda sababo la xiriira basaasnimo.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriiska ayaa yidhi, “Ma ahan markii ugu horreysay oo Ruushku uu eedaymo xaasidnimo ah oo aan sal iyo raad toona lahayn u jeediyo shaqaalaheenna,” ka dib markii ay labada waddan horay u cayriyeen diblamaasiyiin heerar kala duwan soo maray sannadihii u dambeeyay.

Labadan qof ayaa lagu eedeeyay inay wadeen hawlo sirdoon oo ay ku qariyeen safaaradda Moscow.

Geesta kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in Moscow aanay oggolaan doonin in shaqaalaha sirdoonka Britain ay hawlo aan la shaacin ka fuliyaan dhulka Ruushka.

Warsaxaafadeedka wasaaradda oo lagu daabacay qayb ka mid ah u yeedhay wakiilka safaaradda Ingiriiska ee Moscow, ayaa lagu yidhi: “Waxaa lagu nuuxnuuxsaday in Moscow aanay u dulqaadan doonin dhaqdhaqaaqyada aan la shaacin ee ay shaqaalaha sirdoonka Ingiriisku ka wadaan dhulka Ruushka, iyo in mawqifka adag ee Ruushku ka taagan yahay arrintan loo samayn doono si waafaqsan danaha ammaanka qaranka.

Horseed Media