Ruushka oo duqeeyey tareen rakaab ah dalka Ukraine

4 October, 2025

Ruushka ayaa sii wada weerarada uu ku hayo dadka rayidka ah ee ku nool Ukraine iyadoo duqaymo lala beegsaday goob tareenada laga raaco.

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii diyaarad Drone ah oo Ruushku leeyahay ay duqeeyeen tareen marayey waqooyiga gobolka Sumy.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr ayaa weerarka ku tilmaamay fal argagixiso.

Ruushka ayaa sidoo kale korontadii ka jaray ilaa 50,000 qof iyadoo weerarro xalay weeraro lala beegsaday kaabayaasha tamarta.

Ukraine oo weeraradan ka jawaabeysa ayaa duqeysay mid kamid ah wershadaha saliidda ee ugu weyn Ruushka markii labaad toddobaadyadii la soo dhaafay.