Ruushka oo duqeymo dhanka cirka ah ku bartilmaameedsaday xarumaha korontada ee Ukraine

17 November, 2024

Ruushka ayaa duqeymihiisii ​​ugu weynaa maalintii Axadda ku qaaday Ukraine, isagoo ku garaacay 120 gantaal iyo…

Ruushka ayaa duqeymihiisii ​​ugu weynaa maalintii Axadda ku qaaday Ukraine, isagoo ku garaacay 120 gantaal iyo 90 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka oo ay ku dhinteen ugu yaraan toddobo qof, isla markaana “burbur xooggan” u geystay xarumaha korontada, sida ay saraakiishu sheegeen.

Weerarradan, oo sababay in korontadu ay go’do gobollo badan.

“Ruushka wuxuu bilaabay mid ka mid ah weerarradii ugu weynaa ee cirka: diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha ka dhanka ah magaalooyinka nabadda ah, xarumaha rayidka, kaabayaasha muhiimka ah,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Ukraine Andrii Sybiha ku qoray bartiisa X.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in ay weerar ballaaran ku qaadday xarumaha tamarta ee militariga iyo warshadaha ee Ukraine.

Horseed Media