Ruushka oo fashiliyey weerar ay Ukraine u adeegsatay 25 diyaaradood

10 July, 2025

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqday in ay soo rideen 25 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ay Ukraine leedahay, kuwaas oo lagu fuliyey weerarro ka dhacay dhowr gobol oo ka tirsan Ruushka, oo ay ku jirto Moscow.

Arrintan ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii Ruushku uu qaaday weerar aan horay loo arag oo ka dhacay caasimadda Ukraine ee Kyiv, iyo sidoo kale markii Ruushku uu soo jeediyay waxa masuuliyiin Mareykan ah ku tilmaameen “soo jeedin cusub” oo ku saabsan dagaalka.

Bayaanka wasaaradda oo lagu daabacay kanaalkooda Telegram-ka ayaa lagu sheegay in nidaamyada difaaca cirka ee Ruushka ay burburiyeen 14 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo dul marayey gobolka Bryansk, 8 diyaaradood oo ku sugnaa Belgorod, iyo 3 kale oo lagu soo riday gobolka Moscow.

Dhankiisa, duqa magaalada Moscow ayaa ku dhawaaqay in difaacyada cirka ay soo rideen 3 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ay Ukraine soo tuurtay subaxnimadii Khamiista, kuwaas oo ku wajahnaa caasimadda Ruushka.

Sidoo kale, hay’adda duulista rayidka ee Ruushka ayaa shaacisay in si ku-meel-gaar ah loo hakiyay duulimaadyadii ka imanayay ama u socday garoonka diyaaradaha ee magaalada Kaluga, taas oo qiyaastii 200 km u jirta koonfur-galbeed magaalada Moscow.

Horseed Media