Ruushka oo gantaalo ku weeraray caasimadda Ukraine

6 April, 2025

Magaalada Kyiv ayaa waxaa lagu weeraray gantaalo subaxnimadii hore ee Axadii, duqa magaalada ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay, saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarkan cirka ah ayaa kusoo beegmaya laba maalmood kadib markii weerar cirka ah oo Ruushku ku dilay 19 qof magaalada uu kasoo jeedo madaxweyne Volodymyr Zelensky ee Kryvyi Rig.

Zelensky waxa uu sheegay in weerarka gantaalku uu muujinayo in Ruushku aanu wax dan ah ka lahayn joojinta duullaanka.

Weeraradan ayaa imaanaya iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku riixayo xabbad joojin Ruushka iyo Ukraine, in ka badan saddex sano oo uu Moscow duullaanka buuxa ku hayay.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay Axaddii in cutubyadooda difaaca cirka ay qabteen oo ay burburiyeen 11 diyaaradood Drone oo laga leeyahay Ukraine.