Afhayeen u halday Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa diiday inuu ka hadlo wararka sheegaya in hoggaamiyaha…

Afhayeen u halday Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa diiday inuu ka hadlo wararka sheegaya in hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya Iiraan si qarsoodi ah loogu duuliyay Ruushka si loogu sameeyo qalliin lagu badbaadinayo naftiisa, kadib dhaawac ka soo gaarey duqaymaha Maraykanka.
Mojtaba Khamenei, oo 56 jir ah, ayaa la sheegay inuu si xun ugu dhaawacmay weerar ay Israa’iil iyo Maraykanku ku qaadeen 28-kii Febraayo oo ay ku dhinteen lix xubnood oo qoyskiisa ka tirsan, oo uu ku jiro aabihiis, Ayatollah Ali Khamenei, Ilo wareedyo Iiraaniyiin ah ayaa xaqiijiyay inuu dhaawacmay.
Danjiraha Tehran ee Qubrus ayaa dhawaan u sheegay wargeyska The Guardian toddobaadkii hore: “Waxaan maqlay inuu ka dhaawacmay lugihiisa iyo gacantiisa maleynayaa inuu ku jiro isbitaalka sababtoo ah wuu dhaawacmay.”
Maraykanka ayaa dhawaan ku hanjabay inay ugaarsan doonaan dhammaan hoggaanka sare ee dalka Iran inta uu Madaxweyne Donald Trump saamayn ku yeelan doono magacaabista xigta ee hoggaamiyaha sare ee dalkaasi.




