Ka dib wadahadal saacado qaatay oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa war ay soo saartay Jimcihii ku bogaadisay wadahadallada ay kula jirto Mareykanka, waxayna ku tilmaantay mid la taaban karo oo xaqiiqo ah.

Ruushka iyo Maraykanka ayaa wadahadalo lix saacadood qaatay ku yeeshay magaalada Turkiga shalay oo Khamiis ahayd, iyagoo isku dayaya inay dib u soo celiyaan shaqadoodii caadiga ahayd ee safaaradahooda, waxaana madaxweyne Vladimir Putin uu sheegay in xiriirkii ugu horreeyay ee ay la sameeyeen maamulka cusub ee Donald Trump ay rajo gelinayso.
Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa intaa ku dartay in wufuudda ay ka wadahadleen arrimo la xiriira waxa ay ku sheegtay in ay si sharci darro ah ula wareegeen hantida diblumaasiyadeed ee Ruushka uu ku leeyahay Mareykanka, waxayna ka codsadeen Mareykanka in ay ka fiirsadaan soo celinta xiriirkii tooska ahaa ee dhanka hawada.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in labada dhinac ay isla garteen sidii loo soo celin lahaa dhaqaalihii joogtada ahaa iyo howlihii caadiga ahaa ee safaaradahooda.
Waxaa xusid mudan in shalay oo Khamiis ahayd lagu soo gaba gabeeyay Qunsuliyadda Mareykanka ee Istanbul, wada-hadalladii u dhaxeeyay wufuud ka kala socotay Ruushka iyo Mareykanka, kaasi oo socday muddo 6 saacadood iyo bar ah.
Kulanka kadib ayaa wafdiga Ruushka waxa ay isaga baxeen qunsuliyada Mareykanka ee Istanbul, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay kulankaasi oo ahaa mid faah faahsan, sida ay sheegtay wakaalada Anadolu.
Horseed Media