Ruushka oo khasaarihii ugu badnaa kasoo gaarey duqeymihii Drone-ka Ukraine

2 June, 2025

Ruushka ayaa ka hadlay khasaaraha kasoo gaaray duqeymihii shalay lala beegsaday saldhigyadooda ciidamada cirka, iyadoo Ukraine ay sheegtay in duqeymaha ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay geysteen balaayiin dollar oo khasaare ah.

Ruushka ayaa xaqiijiyay in shan gobol ay duqeeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine.

Hay’adda sirdoonka Ukraine ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarrada oo geystay khasaare dhan 7 bilyan oo doolar.

Wakaaladaha wararka oo soo xiganayay sarkaal ka tirsan ciidamada amaanka Ukraine ayaa sheegay in Ruushka laga burburiyay 41 diyaaradood.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa bogaadiyay weerar lama filaanka ah oo ciidamada sirdoonka ee SBU ay ku qaadeen dhowr garoon diyaaradeed ee dalka Ruushka.

Hogaamiyaha Ukraine ayaa yiri, “Ruushka isagaa bilaabay dagaalkan, waana in Ruushku uu joojiyo.”

Weerarkan oo la qorsheenayey muddo sanad iyo lix bilood ah ayaa kusoo beegmay maalin kahor wadahadalka Ukraine iyo Ruushka uga furmaya magaalada Istanbul.