Ruushka ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu diiday inuu fiiso siiyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Alexander Alimov si uu uga qayb galo shirka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya New York, isagoo go’aankaas ku tilmaamay mid jebinaya waajibaadka Washington.

Danjiraha Ruushka ee Qaramada Midoobay, Vassily Nebenzia ayaa Talaadadii u sheegay Golaha Ammaanka in dalka uu meteli lahaa Alimov – “kaas oo kormeera arrimaha la xiriira Qaramada Midoobay” – kulankan.
Nebenzia wuxuu sheegay in aan fiiso la siinin Alimov ay tahay xadgudub heshiiska Qaramada Midoobay iyo sidoo kale tillaabo wax loogu dhimayo dalka Shiinaha oo hada ah guddoomiyaha Golaha Amniga bisha Maajo.
Heshiiskii 1947-kii ee lagu aasaasay xarunta dhexe ee hay’adda caalamiga ah ee New York wuxuu dhigayaa in Mareykanku uu fiisooyin siiyo diblomaasiyiinta shisheeye ee doonaya inay ka soo qayb galaan hawlaha Qaramada Midoobay “iyadoon wax lacag ah laga qaadin oo sida ugu dhakhsaha badan”.
Muranka fiisaha ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Moscow ay sii yaraanayso iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dadaalayo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka socda Ukraine.



